Home » Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Yardameeli ee degmada Xamar Jajab, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ku qarxay Xubno katirsan Al-Shabaab oo Mooto Bajaaj ku waday qaraxa, waxaana ku dhintay Saddex kamid ah halka Hal Ruux oo shacab ahaana uu ku dhaawacmay.

Saaka baare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa  dhagar qabayaal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday  Waaxda General Daa’uud, dhagartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabatay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe. Halka,  qof muwaadin ah oo waddada marayay uu dhaawac fudud ka soo gaaray”.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale ayaa Afar Wariye oo ka tirsan Risaala TV iyo 5TV xiray, xilli ay tebinayeen khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Kasoo Horjeedka Isbitaal Yardameli, Wariyaasha ayaa qalabkoodii laga qaatay waxaana lagu xiray Saldhigga Xamar Jajab.

Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah.

Cameraman Maxamed Siciid Nuur (Risaala TV)

Wariye Qaasim ibraahim Cadaan (Risaala TV)

Wariye Maxamuud Soofeysane (5TV)

Isxaaq Rashiid (5TV)

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com