Home » KGS Oo Sheegtay In Howgal Ka Dhacay Buur-hakaba Lagu Soo Qabtey Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab.

KGS Oo Sheegtay In Howgal Ka Dhacay Buur-hakaba Lagu Soo Qabtey Xubin Ka Tirsan Al-Shabaab.

by Weriye Ateera

Buur-hakaba(CKG)-Howgal ka dhacay duleedka degmada Buur-hakab ee Gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa laga helayaa Faahfaahino kala duwan.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay Deegaan lagu magacaabo Kuunyo-barow ayaa qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Qadiimiga ah ee Buurhakaba.

Waxaana howlgalkaasi fuliyey Ciidamada Daraawiishta koonfur galbeed, sida ay sheegtay Wasaarada Amniga gudaha ee Maamul Goboleedka KGS.

Waxaana lagu soo qabtey horjooge sare oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo xubin ka ahaa Dagaalyahnada Al-shabaab sida lagu yiri war qoraal ah oo Dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ka soo saartay howgalkaasi dhacay.

Howlgalkan ay fuliyeen Daraawiishta koonfur galbeed kana dhacay Deeganka Koonyo Barow ee degmada Buurhakaba ayaa ku soo beegmaya iyadoo gobolada qaar ee dalka ay ka dhacayaan Dagaalo qaraar oo u dhaxeya Shabab iyo Dowlada.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com