Home » Kenya oo Gacanta ku dhigtay Xubno doonayay inay ku biiraan Daacishta Soomaaliya

Kenya oo Gacanta ku dhigtay Xubno doonayay inay ku biiraan Daacishta Soomaaliya

by Mohamed Adam Socdaal

Nairobi (CKG)- Ayub Bwanaadi oo 32 sano jir ah , Mohammed Bwanaadi oo 22 jir ah, ahna labo walaalo iyo Kassim Ahmed oo 29 jir ah ayay sheegtay Dowaldda Keya inay gacanta ku dhigtay Xili ay doonayeen inay ku biiraan Daacishta Soomaaliya.

Warbaahinta Dowladda Kenya ayaa Baahiyay Sawirada iyo magacyada Xubnaha la qabtay, kuwaasi oo sida Kenya ay sheegtay lagu qabtay ismaamulka Isiola.

Xubnahaasi oo la baaray ayaa sheegay  in ay ka soo safreen Tanzania oo ay sii mareen Lungalunga, una socdeen xaafadda Islii ee Nairobi, halkaasi oo ay rabeen in ay u sii gudbi Itoobiya ka hor inta aysan aakhirka u soo gudbin Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda ee Daacish.

Warbaahinta Dowladda Kenya ayaa Qortay in Xubnahaani ay si gaar ah ugu wajahanaayeen Puntland, halkaasi oo saldhigyo waa weyn ay ku leeyihiin Daaacish, waxaana haatan ku socda Baaritaanno dheeraad ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com