Home » Kenya iyo Uganda oo war cusub kasoo saaray qorshaha ATMIS looga saarayo Somalia?

Kenya iyo Uganda oo war cusub kasoo saaray qorshaha ATMIS looga saarayo Somalia?

by Weriye Ateera

Nairobi (CKG) – Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Kenya ee Nairobi, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya oo labada dal ay ciidamo ka joogaan, si gaar ah madaxda labada dal ayaa aad u gorfeysay qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa kulanka ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi kadib waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan darrada uu gobolka ku keeni karo qorshaha bixitaanka ciidanka ARMIS ee Soomaaliya jooga.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.

Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinay yaraynta iyo bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana isla qaadanay in yaraynta iyo wakhtiga loo qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ee ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya, sidoo kale waa dalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa door muhiim ah ku leh howlgalka 15-ka sano ay ATMIS ka wado Soomaaliya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com