Home » Kenya: Baadari Dad Gaajo u dilay oo Maxkamad Lasoo Taagayo

Kenya: Baadari Dad Gaajo u dilay oo Maxkamad Lasoo Taagayo

by Mohamed Adam Socdaal

Nairobi (CKG)- Dhakhtarka cilmi-nafsiga ee Kenya ayaa faah faahin ka bixiyay natiijadii ugu horreysay ee qaar kamid ah meydadka in ka badan boqol dhibanayaal ah oo u dhintay baadari kula taliyay in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan ilaahooda.

Johansen Oduor ayaa sheegay in meydadka sagaal carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 18 bilood ilaa 10 sano iyo haweeney kale la baaray Isniintii shalay.

Waxa uu sheegay in meydadkaasi ay ka muuqdaan calaamado gaajo, iyo neefta oo ku xirantay.

Intii kale ee hartay ayaa bishii hore laga soo saaray kayn loogu sameeyay xabaal wadareed, halkaas oo uu hoggaamiyahooda diinta uu kula dardaarmay dadka raacsan inay gaajo u dhintaan si ay jannada u galaan ka hor inta aanay dunidu dhammaan.

Paul Mackenzie, oo ahaa taksiile hore iyo wadaad kale ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta oo Talaado ah ay kasoo muuqdaan maxkamado kala duwan oo Kenya ah.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com