Home » Jaamacadda Carabta oo markale si weyn u garab-istaagtay Soomaaliya (Maxaa cusub)

Jaamacadda Carabta oo markale si weyn u garab-istaagtay Soomaaliya (Maxaa cusub)

by Weriye Ahmed Yare

Baxreyn (CKG) – Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Baxreyn ayaa mar kale lagu xaqiijiyay bayaan laga soo saaray in ay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin madax-bannaanida, wadajirka dhuleed ee Dowladda Soomaaliya, si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo midnimada loogana hortaggo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Dalalka ku mideystan Jaamacadda Carabta ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab, sugidda amniga dalka, xasilloonida iyo horumarinta geeddi-socodka horumar waara iyo barwaaqo si ay u gaaran shacabka Soomaaliyeed.

RW Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shirkaan ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka weyn ee dowladda ay ka gaartay dagaalka Argagixisada, sugida amniga, hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com