Home » Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay go’aanka ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya (Maxaa cusub?)

Dowladda Itoobiya oo ka jawaabtay go’aanka ciidamadeeda looga saarayo Soomaaliya (Maxaa cusub?)

by Weriye Ahmed Yare

Addis Ababa (CKG) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya war ka soo baxay ayaa waxa ay ku sheegtay in aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay DF Soomaaliya oo aadan in Itoobiya lagu wargaliyay in ciidamadeeda nabad ilaalinta ay kala baxayso gudaha dalka Soomaaliya.

Warkan ayaa waxaa dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS.

Nabiu Tedla, ayaa warkiisa raaciyay, in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kas oo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.



Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale xusay, in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, isagoona intaasi raaciyay, in ay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS.

Warkan ka soo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka bisha December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in gabi ahaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan gudaha Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkoodu aad u xumaaday, tan iyo bilowgii sanadkan 2024-ka, kaddib markii DFS ay ka carootay heshiiskii badda ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com