Home » IOM iyo UNHCR oo ku baaqay in xal loo helo dadka tahriibka ah ee ku safra badaha

IOM iyo UNHCR oo ku baaqay in xal loo helo dadka tahriibka ah ee ku safra badaha

by CKG Editor

Giriiga  (CKG) – Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay tallaabo degdeg ah inay qaadaan Midowga Yurub si looga hortago dhimasho kale oo ka dhacda badda Mediterranean-ka ka dib markii boqolaal qof ay toddobaadkii hore ku qaraqmeen xeebaha Giriigga.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM iyo UNHCR ayaa war ay soo saareen Sabtida maanta ah ku sheegtay in inta u dhaxaysa 400 ilaa 750 qof la rumaysan yahay inay saarnaayeen doontii Arbacadii ku degtay badda.

Waxaa la soo warrimanayaa in doonta degtay ay ku jirtay dhibaato tan iyo subaxnimadii Tallaadada ee la soo dhaafay, balse howlgalo baadi goob ah iyo samatabbixin ay sameeyeen Ilaalada xeebaha Hellenic ayaa lagu badbaaadiyay 104 qof ,halka la helay 78 qof oo meyd,waxaana illaa hadda maqan dhowr boqol oo ruux.

Sidoo kale, IOM iyo UNHCR ayaa yiri, “Waajibka lagu badbaadinayo dadka ku dhibaataysan badda iyada oo aan dib loo dhigin waa xeerka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee badaha”.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com