Home » In ka badan 33 kun oo Arday oo maanta u fariistay imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka

In ka badan 33 kun oo Arday oo maanta u fariistay imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka

by CKG Editor

Muqdisho  (CKG) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Jaamac ayaa Sabtidii maanta daah-furay imtixaanka Qaranka ee dugsiyada sare ee sannad dugsiyeedka 2022/2023.

Munaasabadda lagu daah furayey Imtixaanka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Imtixaanka subixii Sabtida maanta ah bilaawday, ayaa waxaa u fariistay 33,700 arday, oo ku galayo 114 goobood oo ku yaallo Caasimadda iyo gobollada Dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey ciidamada Ammaanka oo qeyb weyn ka qaadanaya habsami u socodka imtixaanka iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo xil weyn iska saaray diyaarinta, daabacaadda iyo ilaalinta ammaanada Imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa soo hadal qaaday cabashada ka soo yeereyso qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku aadan imtixaanka, isagoona sheegay in ka wasaarad ahaan ay baaris sameeyeen, isla-markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan.

CodkakoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com