Home » In ka badan 100 qof oo maanta u fariistay Imtixaanka bixinta Ruqsada Nootaayada

In ka badan 100 qof oo maanta u fariistay Imtixaanka bixinta Ruqsada Nootaayada

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com