Home » Imtaxaanka fasalka 8aad Oo Maanta Ka Furmay Dhamaan Degmooyinka Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Imtaxaanka fasalka 8aad Oo Maanta Ka Furmay Dhamaan Degmooyinka Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Marwo Shamso Maxamed Yarow oo ay wehliyaan wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Abdirahim Nuur, Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Engr Cabdifataax Samaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Fadal Cabdullaahi Mursal iyo Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdifatax Maxamed Ibraahim ayaa si wadajir ah u Baydhabo ugu daah-furey Imtaxanaadka fasalka 8aad sanad dugsiyeedka 2022-2023.

Sanadkan tirada Imtaxaanka u fadhiisatay Gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay kala yihiin sida tan:
1. Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa u fadhiistay 4,827
2. Gobolka Bay: 3,718
3. G.Bakool: 404
Tirada guud ayaa ah: 8,949 arday sanad dugsiyeedkan 2022/2023 sida ay sheegeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed.

wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed sanadkii hore ku sheegtay in ardeyda kasoo jeeda koonfur Galbeed kaaliyaha hore ay ka galeen Imtaxanaadkii la qaadey.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com