BAYDHABO(CKG)-:Degaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaalya waxaa ka socda howlgalo balaaran oo ay sameynayaa Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 60,aad ayagoo kaashanayaan ciidanka Dowlad goboleedka KGS.
Ciidamada ayaa habeen iyo maalin waxay howlgalo qorshaysan ka sameynayaan degaanada kooxda Al-shabaab sida dhumaleysiga ah ay ku joogaan ayagoo waddooyinka dhiganaya is baarooyin sida lacag baad ah uga qadaan shacabka mara waddooyinkaasi.
Degaanada ka socdaan howlgalada ayaa waxay ka tirsan yihiin degmooyinka gobolka Baay sida Berdaalle, Diinsoor, Qansax dheere, Buur-hakaba, waxaa SI lamid ah howlgaladaan ay uga socdaan degmooyinka gobolka Bakool.
Ciidamada ayaa bur buriyay goobo badan oo kooxda Al-shabaab is baarin ay dhigteen waddooyinka isku xira degmooyinka SI taasi looga hortago ayaa Ciidamada waxay wadaan dhaqdhaqaayo ku aadan in ay ka hortagaan dhibaatada lagu haayo shacabkaasi.
Marar badan oo howlgaladaasi ay socdeen ayaa Ciidamada waxay la kulmaan iska hor imaatin dhinaca kooxda Al-shabaab ah ayadoona ay jiraan qasaaro labada dhinac ah si gaar ah askar ka tirsan kooxda Al-shabaab looga dilay howlgaladdasi.
Kooxda Al-shabaab oo adeegsada gaadiidka fud fudud sida mootooyinka ayaa marar badan waxay ku Soo weerareen goobaha ay fadhiisanka u yihiin Ciidamada ayadoona sameeyay carbushaad SI ay u muujiyaan weli in ay yihiin kuwo ku dhumaleysada degaanada hoos yimaada degmada Baydhabo iyo degmooyinka kaleba.
Kooxda Al-shabaab ayaa bilaaway in ay qaraxyo ku xiraan guryaha ay leeyihiin mas’aalinta dowladda ka tirsan KG iyo DFS ayadoona bishii nasoo dhaaftay Jun qaraxyo ka sameeyay degmada Baydhabo.
Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Cabdukaadir ayaa ku faanay in ay yaraatay awoodii ay la hayeen taasi oo ku sheegay in laga saaray degaano badan oo ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool welida diyaar loo yahay in dhamaan Koonfur Galbeed laga xureeyo.
Wasiir Xasan ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay la shaqeyaan laamaha amniga taasi sahali karta in laga adkaado degaanadana ay noqdaan ku ka jirta nabad galiyo ay ku noladaan shacabka KGS.
Codkakoonfurgalbeed.com