Xudur(CKG)- Ciidanka dowlad goboleedka KGS ayaa oo kaashanaya dadka degaanka ayaa waxay howlgalo lagu xaqiijinaayo Amniga ka sameyeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo qaar kamid ah tuulooyinka hoos yimada.
Ciidanka ayaa waxay tageen dhowr tuulo iyagoo halkaasi howlgalada kadib dadka degaanka kula hadlay oo u sheegay in ay kala shaqeyaan Amniga si loo helo nabad galiyo.
Sidoo kale ciidanka ayaa waxay waddooyinka soo gala degmada Xudur sameyeen baritaano iyo si mid mid ah u barayeen dadka soo gala ee caanada iyo wax yaabaha kale ee ka keena tuulooyinka fog fog.
Sidoo kale goobaha sida gaarka ah ee ciidanka KGS ee howlgalada ugu sameyeeyay ayaa waxaa kamid ah kaamamka ugu waa weyn ee degmada madaama laga yaabo in ay dadka barkacyaasha ah ee ku soo qulqulada degmada ku soo dhax dhumaleystaan kooxda al-shabaab.
Sarkaal u hadlay ciidanka KGS ee ku sugan degmada Xudur ayaa sheegan madaama howlgaladaan horeyba loo sameyn jiray hada in la sii laba jibaari doono madaama dhawaan ay bilaawan doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda al-shabaab.
Wadooyinka laga soo gallo degmada Xudur ayaa in badan howlgalada waxaa si isxilqaan ah uga sameya shacabka degmada si ay kaalintooda uga qataan Amniga degmada.
Codkakoonfurgalbeed.com