Home » Howlgallo lagu qaaday jidgooyooyin oo laga fuliyey Bardaale

Howlgallo lagu qaaday jidgooyooyin oo laga fuliyey Bardaale

by Weriye Ateera

Berdaalle(CKG)-Maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa howgallo ay maalmahan fuliyeen ku guuleystay inay ku qaadaan jidgooyooyin yaalay degmada Bardaale ee Gobalka Bay, kuwaas oo dhibaato ku ahaa isku socodka gaadiidka iyo shacabka.

Degmada ayaa gaaray mas’uuli ka tirsan maamulka KGS oo hogaaminaayay wasiirka amniga gudaha, taliyaha qeybta gobolka Baay, maamulka degmada iyo mas’uulin kale.

Mas’uulinta ayaa sheegay in aan xaq aheyn in lagu xadgudbo shacabka ku safra wadooyinka kuwaasi oo weliba u baahan in laga hor is taago dhibaatooyinka kale ee ku hayaan kooxda al shabaab.

“Cali Wardheere Dooyow guddoomiyaha degmada Berdaalle” dhamaan ciidamada ku sugan degmada Berdaalle waxaa lagu amarayaa in ay gacanta ku soo dhigaan qofkii lagu arko asigoo jidgooyo dhiganaayo”

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com