Waajid(CKG)-Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed qaybteeda Degmada Waajid ayaa hawlgal qorsheysan ka Fuliyey Deegaanada Kala ah Kurté, Dhurey, Gaba, Degsé, iyo Deegaano Kale oo hoos yimada Degmada Waajid.
Howlgalka Waxaa Hogaminayey Taliyaha Nabadsugida Degmada Waajid Isaag Kalamow Aadan Howlgal ka inta uu socdey Waxaa lagu Burburiyey Saldhigyo kooxda al shabaab ay kulahaayeen Deegaanadaas.
Saldhigyada la bur buriyay ayaa intooda badan waxay ku yaleen wadooyinka ay isticmalaan shacabka u kala safara degaanadaasi ayagoona laga qadaayay canshuur taasi oo dhibaato ku ah shacabkaasi.
Taliyaha ayaa faray shacabka ku nool degaanadaasi in ay la shaqeyaan laamaha amniga si looga dulqaado dhibaatada kooxda al shabaab.
Codkakoonfur galbeed.com