Home » Howlgal lagu xaqiijinaayay Amniga oo laga sameeyay mid kamid ah xaafadaha Baydhabo.

Howlgal lagu xaqiijinaayay Amniga oo laga sameeyay mid kamid ah xaafadaha Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay ayaa ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya waxay howlgalo balaaran ay ka wadaan maalmahaani xaafadaha magaalada Baydhabo iyagoo kaashanaayo maamulada xaafadahaasi.

Howlagalka ayaa waxaa si toos ah maalin kasta looga fulinaayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo, waxaana lagu baraayay guryaha iyo gaadiidka mara waddooyinka ugu muhiimsan xaafadaasi.

Dadka ayaa mid mid loogu baraayay waddooyinka waxaana sidoo kale jiray baaritaano lagu sameynaayay goobaha ganacsiga madaama ay kamid tahay goobaha lis kugu imaado.

Inta ay howlgalada ay socdeen ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan kuwaasi oo lagu soo xiray mid kamid ah saldhigyada ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Dhalinyarada ayaa lagu sameynayaa baaritaano iyo wareysiyo kala duwan si looga soo dhax saaro kuwa dhibaatada ku haaya shacabka iyadoona kuwo qaar ah lagu fasaxaayo damiin si mar kale loo helo meel loogu hagaagi karo.

Sidoo kale inta ay socdaan howlgalada ayaa waxaa bulshada laga wacyi-galinayaa sidii ay u la shaqeyn lahayeen laamaha amniga si loo helo amni buuxa.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com