Home » Horjoogayaal isu dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Horjoogayaal isu dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

by Weriye Ateera

Kismaayo-(CKG)-Afar ka mid ahaa horjoogayaashii kooxda Al-shabaab deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Dhinaca kale, dadka ku dhaqan Tuulada Buulo Xaaji iyo nawaaxigeeda ayaa helay adeegga Internet-ka oo ay horay ugu xannibeen kooxda al-shabaab, waxanay shacabku u mahad celiyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ee fuliyay howlgalkaasi guuleystay.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Tan ayaa timid kadib markii dowladda FS horay ay ugu dhawaaqday in cafis ay yihiin dhalinyarada ku Jira kooxda al-shabaab ee isu Soo dhiibay dowladda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com