BAAY(CKG)-Sida ay baahisay Wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed howlgal laga fuliyay deegaan ka tirsan gobolka baay ayaa lagu diley horjooge kaa tirsan ururka Al-Shabaab.
Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Labaatan-jarow ee Gobolka baay.
Horjoogaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ay sheegtay in lagu dilay howlgalkaasi gaarka ahaa ayaa magiciisa lagu sheegay Cusmaan Maxamed Kadiye.
Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu yiri “Ciidanka gaarka Koonfur Galbeed ayaa howlgal qorsheysan ku diley horjoogihii ugu sareey ee kooxda Al-Shabaab gobolka Baay cismaan maxamed kadiye asagoo ku dhuumaaleysanayey agagaarka Deganka labaatan jirow ee Gobolka Baay”.
Howgalkan gaar ah oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid Qorsheysan oo Koonfur Galbeed ay guulo ka sheegtay ayaa kusoo beegmaya Xili todobaadyadii la soo dhaafay ay sii xoogeysteen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhacaya gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa militariga Soomaaliya ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ay sameeyeen howlgalo waa weyn oo ay ka fuliyeen xadka Gedo, Bakool iyo Baay.
Koonfur Galbeed ayaa dhowr jeer oo hore uga dhawaaqday iney bilaabi doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaasi oo lagu xureyn doono Degaanada iyo degmooyinka ay kooxdu maamusho.