Home » Maraykanka Oo Sheegay Inuu Taageerayo Wada Hadalada Dowladda Federaalka Iyo Somailand

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Taageerayo Wada Hadalada Dowladda Federaalka Iyo Somailand

by Mohamed Adam Socdaal

Hargeysa (CKG)- Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay dowladdiisa ay ka go’an tahay ka miro dhalinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Hadalkaan ayuu safiirku ku sheegay kulan qadka taleefonka ah oo uu la yeeshay ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled.

Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay ahmiyadda iyo xoojinta Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii mustaqbalka dhow guul looga gaari lahaa wada hadalka.

Danjiraha Maraykanka ayaa muujiyay taageero iyo garab istaag ergayga, asagoona tilmaamay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay ka mira-dhalinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Dhawaan ayay ahayd markii Somaliland ay soo dhoweysay magacaabidda ergayga cusub, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inuu yahay nin hoggaamin kara wada hadalada oo xog ogaal ah.

Codkakoonfurgalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com