Shantii sano ee la soo dhaafay degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaa dib ugu soo laabanaayay dhalinyaradii waxbarashada ugu maqneyd gobolada kale ee dalka iyo qeybo kamid ah dalalka deriska nahay sida Kenya iyo Itoobiya.
Madaama dhalinyarada ku nool degmada Waajid ay baahiyaha kala duwan ay laqabaan kuwa kale ee kusugan gobolada KGS, ayaa waxey si isxilqaan ah ubilaween in aqoontooda ay ugu fa’ideyaan jiilka kale ee waxbarashada ubaahan eek u sugan degmada Waajid.
Muddo sanodo ah kadib markii ugu horeysay sedaxdii sano ee la soo dhaafay degmada Waajid ayaa waxay yeelatay dugsiyada sare halkii markii hore ay ku ekayeen dugsiyada hoose oo kuwa sare loo soo doonan jiray magaalooyinka kale ee KGS.
Qaar kamid ah dugsiyadaasi sare ee degmada Waajid waxaa si lacag la’aan ah casharada ku bixiya dhalinyaradii degaanka wax u soo bartay.
Axmed Ibraahim Cali gudoomiyaha dhalinyarada degmada Waajid ayaa sheegay dhalinyaradii shaqo la’aanta ku ahaa degmada Waajid markii ay arkeen baahiyaha waxbarasho ee ka jirta degmada gaar ahaan dugsiyada sare in ay go’aansadeen in si isxilqaan ah ay dhalinyaradooda wax ku baraan si beri iyagana ay u gaarsiyaan jiilka kale.
Gudoomiye  Axmed Ibraahim ayaa sheegay in dhalinyaradaan iyo macalimiinta kale ee wax ka dhiga iskuulada degmada Waajid aysan helin xaquuqaadkii ay lahayeen macalimiinta madaama weli degmada ka jirin hay’ado si fiican u taageeri kara.
codkakoonfurgalbeed.com