Wednesday, February 28, 2024
More

    Heerarka kala duwan ee waxbarashada magaalada Baydhabo oo meel fiican maraysa.

    Baydhabo(CKG)-Magaalada Baydhabo ayaa kamid noqotay magaalooyinka sida aadka uga soo baxaan dhalinyarada ka aflaxayaan heerarka kala duwan ee waxbarashada dugsiyada sare iyo Jaamacadaha.

    Waxbarashada oo ah waxyaabaha ugu muhiimsan dadka iyo degaanka ayaa si taasi loo xoojiyo ayaa sanad kasta Iskuulada iyo Jaamacadaha ka soo baxayaan arday baratay dufcadaha kala duwan.

    Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo aw-qaafta Koonfur galbeed Mubarak Sheekh Cabdisalaan oo qeyb ka ahaa mus’uulinta lagu marti qaaday Xafladdii Qalinjebinta Dufcadii 20,aad ee Marwaaz Institute of Information Technology ee magaalada Baydhabo ayaa ka jeediyay khudbad ka hadlaysay muhiimadda ay leedahay waxbarashada.

    Agaasime Mubarak Sheekh Cabdisalaan ayaa ardada ku bugaadiyay in waxbarasha ay tahay mid dhamaaneynin sidaasi ay tahay lagu dadaalo in waxyaabihii la bartay in dadka iyo degaanka loogu adeego.

    Si gaar ah agaasimaha ayaa sheegay in haweenka ay ku buraarugaan waxbarashada madaama ay ku fiican yihiin go’aan gaarista iyo maamulidda wanaagsan madaama ayuu yiri xiligii Nabigeena Maxamed (NNKH) talida ka qeyb galin jiray haweenka sida Uma Salma.

    Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo aw-qaafta Koonfur galbeed Mubarak Sheekh Cabdisalaan ayaa balan qaaday in hay’adaha dowladda KGS ay ka heli doonaan shaqooyinka madaama ay yihiin dad wax u bartay dadka iyo degaanka.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com