Home » Hay’adda Southwest Women Development And Human Rights Network Ayaa Afurin U Sameeyey Dad Danyar Ah

Hay’adda Southwest Women Development And Human Rights Network Ayaa Afurin U Sameeyey Dad Danyar Ah

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Hay’adda Southwest Women Development And Human Rights Network ayaa maanta waxay afurin u sameeyeen 70 qof oo iskugu jira dadka baahiyaha gaarka qaba iyo dadka danta yar ee ku nool kamamka Barakacyaasha ee ku yaala Magalaada Baydhabo.

Afurintan Ururka Gabdhaha ay sameeyeen ayaa waxaa u soo wakiilatay ururkan Xildhibaanad Bishaaro Ali Nuur oo kamid ah Baarlamanka Koonfur Galbeed oo hore loogu bartay caawinta dadka masaakiinta ah xiliyada adag.

Dhamaan dadkii ka faa’ideystay oo u badnaa dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa u mahadceliyey Xildhibaan Bishaaro Ali Nuur iyo Hay’adda Southwest Women dadaalada ay ugu jiraan sidii loo garab istaagi lahaa kuwa daruufta la dagtay una baahan in la caawiyo ayna garteen waxayna alle ugu baryeen in wax ka qeyr badan uu gacantooda soo geliyo.

Mulki Ibraahim Ahmed oo ah kusimaha guddoomiyaha Hay’adda ahna guddoomiye kuxigeenka Hay’adda ayaa goobta ka sheegtay in Deeqdan ka timid Xildhibaanad Bishaaro Cali Nuur aanan aheyn markii koowaad oo ay sameyso barnaamijkan oo kale laakin maanta ay ugu duwan tahay maalimihii hore maxaa yeelay waqti Abaar ay jirto dadkuna afur ay u baahan yihiin ayay ku soo aadisay ka hay’ad ahaana waan qeybiney waana sii wadi doonaa ayay tiri”

  1. CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com