Baydhabo (CKG)-Wafdi Uu Hogaaminayey Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Koonfur Galbeed oo ay qeyb ka ahaayeen madaxa xafiiska UNHCR Muqdisho iyo Baydhabo Oo Kormeeray kaamamka Barwaaqo 2 ee magaalada Baydhabo.
Ujeedka Kormeerkan ayaa ahaa u kuuragelida xaalada Noolaleed iyo sidi loo qiimeyn.lahaa 81 Guri oo loo dhisi doono dadka kaamka Barwaaqo 2 iyadoo lagu xulan doona sida u kala daranyihiin .
Yuusuf oo ah madaxa Xafiiska UNHCR Muqdisho iyo Ayoup Faketi ayaa Bulshada kaamamka kula dardaaamey inay ilaashadaan wax kasta oo loo qabta sida xarumaha danta guud, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo hoolalka shirarka lagu qabto.
Abdulkadir Ali Mohamed Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa UNHCR iyo Hay’adaha kale kula taliyey inay gacan weyn ka geystaan sidii xal waara looga gaari lahaa dib-udejinta arimaha bulshadaba.
CodkaKoonfurGalbeed.com