Home » Hay’adda Nisa qeybta KGS oo degmada Baydhabo ka waddo howlgalo lagu xaqiijinaayo Amniga degmada.

Hay’adda Nisa qeybta KGS oo degmada Baydhabo ka waddo howlgalo lagu xaqiijinaayo Amniga degmada.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Lamaha amniga gaar ahaan hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay ka wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo amniga guud ee degmada Baydhabo taasi oo laga qado qaar kamid ah xaafadah iyo suuqyada magaalada.

Hay’adda Nisa ayaa waxay xoogga saartay sidii ay habeen iyo maan ay u sugi laheyd amniga magaalada madaama maalmihii la soo dhaafay degmada Baydhabo ay ka dhaceen qaraxyo lagu weeraray meelo kala duwan.

Ciidanka ayaa waxay howlgalo qorshaysan ay ka sameynayaan goobaha ay ku badan yihiin dhalinyarada kala duwan ee magaalada sida suuqyada, xaafadaha iyo guubaha ay ku badan yihiin dhalinyarada.

Waxaa jira howlgalo laga sameeyay magaalada oo lagu abuuriyay dhalinyaro looga shakiyay in ay kamid yihiin kuwa amni darada ka wada magaalada Baydhabo ayadoo ay jiraan kuwo laga soo deeya xiliga laga sameeyo baaritaanada.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com