Home » Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo tegay Beledweyne

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo tegay Beledweyne

by Mohamed Adam Socdaal

Baladweyne (CKG)- Wafdigan uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiraan oo uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Wasiiro iyo Masuliyiin kale ayaa ku soodhaweyey wafdigaan Garoonka diyaradaha, waxaana intaas kadib uu kulan la qaatay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay kawada hadleen xaalada cakiran ee ka jirta Baladweyne.

Guddoomiye Maxamuud Macalim ayaa u kuur galay xaalada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa socod ku maray buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com