Home » Hay’adda IOM iyo Dowlad Goboleedka KG Oo ka wada hadley Bilaabida Mashruuca Nabada.

Hay’adda IOM iyo Dowlad Goboleedka KG Oo ka wada hadley Bilaabida Mashruuca Nabada.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Wafdi uu Hogaaminayey Isku duwaha Barnaamijda sare ee IOM oo soo gaaray Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la kulmey Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyinta oo isugu jirey Wasiirada Wasaaraddaha Amniga, Cadaaladda, Qorshaynta, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimiyaal dhamaantood ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa wafdiga ku qaabiley Madaxtooyada Koonfur Glabeed ee Baydhabo.

Mas’uuliyiinta Soo gaaray Baydhabo kana Socoday Xafiiska Sarre ee Hay’adda IOM Ayaa waxaa Horkacyey Madaxa Hay’adda iyo Wakiilka IOM u qaabilsan Arimaha Deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxayna ka wada hadleen Mashruuca Nabada oo la shaqeyn doona wasaaradaha qaar ee Koonfur Galbeed, Waxaana uu socon doono Muddo 7-Sano ah kaasi oo wax tar u leh Bulshada, Dowlada iyo Guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed oo wakiil ka ahaa Madaxweyne Laftagareen ayaa soo dhoweeyey Mashrrucaasi oo ah Nabadeynta oo ay wado Hay’adda IOM ee taagerta Dowlad Dhiska Koonfur Galbeed.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Koonfur galbeed Maxamuud Maxamed Kheyre ayaa ka warbixiyey Kulankaasi iyo Waxa ay uga hadleen waxaana uu sheegay in kulankaan uu ahaa mid qiimo leh.

Hay’adda IOM ayaa ka mid ah Hay’adha Taageera Soomaaliya Gaar ahan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxayna ka caawineysaa Arimo kala duwan iyo Mashruucyo Badan.

Codkakoonfurgalbeed.

By: Siid Cali Muuse

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com