Home » Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo ka Jawaabtay Eedayn kaga timid Farmaajo

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo ka Jawaabtay Eedayn kaga timid Farmaajo

by Weriye Ateera

MUQDISHO(CKG)-Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejinayo dal shisheeye. Warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in aanay jirin wax suurtogal ah oo maamulka hawada dalka lagu wareejin karo gacan shisheeye, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo ay dowladdu ogtahay oo arrintaas ka dhigi kara mid suurtagal ah.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed u caddaynaysaa in hawada Soomaaliya ay gacanta ku hayaan oo ay si buuxda u maamulaan hay’adaha dowladda, mana jiro qorshe ah in gacan kale loo wareejiyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya kama warqabto wax qorshe ah oo taas keeni kara,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda.

Warka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa soo baxay wax yar uun ka dib markii Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu si weyn uga digay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dal shisheeye, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dalka Imaaraadka Carabta. Farmaajo ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhaawac weyn u geysan karto madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, taas oo dhalisay dareen xooggan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku muujiyeen walaacooda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com