Home » Halkee ayay marayaan dhismiyaasha laamiyada magaala-da Baydhabo?

Halkee ayay marayaan dhismiyaasha laamiyada magaala-da Baydhabo?

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Magaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socdaan dhismooyinka magaalada ugu muhiimsan kuwaasi oo ka qeyb qaadan doonaan bilicda iyo quruxda magaalada, waxaana hadda la dhameeyay kuwo halka kuwo kalena ay socdaan dhismahooda.

Dhismiyaasha waddooyinka ee ka socdaan magaalada Baydhabo ayaa ah kuwo laami ah oo ay dhismahooda gacanta ku hayaan kambaniyo horey dhismooyin uga soo hirgaliyeen magaalooyinka kale ee dalka.

Sidoo kale dhismooyinka waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa waxaa bar bar socdaan taagitaanka nalalka ka shaqeyaa cadceedda kuwaasi oo kaalin weyn ka qadanayaan isu socodka gaadiidka iyo bulshada xiliga habeenkii.

Dhinaca kale maamulka degmada Baydhabo ayaa waxaa uu wadaa sidii loo baneyn lahaa guriyaha iyo goobaha ganacsi ee soo galay waddooyinka kuwaasi oo la bur burinaayo si loo helo waddo weyn ayadoona bulshada ay ku qanacsan yihiin madaama ay horey ay usoo arkeen dhismiyaal badan oo magaalada laga hirgaliyay.

Wadada sodonka ee magaalada Baydhabo ayaa hadda dhismaheed ku dhow meel gabagabo ah taasi oo ka bilaawaneysa taalada (AUN) Madoowe Nuunow Maxamed ilaa waddada Onodka taasi oo si lamid ah heli doonto adeegyadeeda kala duwan.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com