Sh/hoose (CKG)-Mohamed Ibrahim Barre oo dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha gobolka sh/hoose oo ka hadlaayay xaflad loogu qabtay magaalada muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha kala duwan ee xiligaani ka taagan g/ sh/ hoose.
Gudoomiye Maxamed Barre ayaa waxaa uu sameeyay balanqaadyo kala duwan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dadka xaaladaha bini”aadinmo ku dhax heysta gobolka sh/ hoose iyo kuwa kala ee barkac ahaan ay u joogaan gobolada kala ee dalka.
Si ay uga fa’ideytaan tacbashada beerahooda iyo wax soo saarka kale ee gobolka ayaa gudoomiyaha waxaa uu sheegay in dadkaasi dib loogu soo celin doono gobolkooda.
Gudoomiye Mohamed Ibrahim Barre ayaa sheegay in wax laga qaban doono kaabiyaasha dhaqaalaha ee gobolka gaar ahaan beeraha, canshuuraha iyo waxyaabaha kale ee lagu horumarin karo gobolka.
Codkakoonfurgalbeed.com