Xudur(CKG)-Cumar Cabdulaahi Maxamuud gudoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo garoonka kubadda cagta ee Dr Waabari salaadda ciidda kadib kula hadlay bulshada Xudur ayaa wuxuu ku bugaadiyay in ay is caawiyaan madaama bulsho Islam ah nahay diinteena suubana nafarayso inaan caawino midkeena liita ee u baahan in la garab istaago.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Xudur ay ku sugan yihiin dad badan oo barkac ah oo ku dul nool shacabka degmada Xudur, kuwaasi oo manta baahan in garaamkeena wax looga gooyo.
Gudoomiye Cumar Cabdulaahi tilmaamay madaama maalmahaan ciidda dad badan oo muslimiin ah ay dhiibanayaan sadaqo in loogu faa’ideeyo kuwa mudan ee u baahan in lagu sadaqeysado taasi oo gudoomiyaha ku sheegay haddi dhaxdeenana isu gurmano in alle noo gurmanaayo.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wadta ayaa wuxuu hambaliyo ku aadan ciida maalinteeda koowaad salaan hawada u mariyay dhamaan umudda muslimiinta gaar ahaan shacabka degmada Xudur.
Codkakoonfurgalbeed.com