Home » Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo kulan ka yeeshay dardargelinta howlaha…

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo kulan ka yeeshay dardargelinta howlaha…

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Arbacada maanta ah kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah Qaranka, sida dhammasytirka wax ka bedelka  Dastuurka, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Kulanka wada-tashiga ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo habdhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ay wehliyaan xoghayayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com