MUQDISHO(CKG)-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in xanuun kusoo booday uu u geeriyooday Jawaari.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida guddoomiye Jawaari oo si weyn looga dhex dareemayo baraha bulshada.
AUN Prof Jawaari wuxuu sanadkii 1945, ku dhashay degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga sharciga , isaga oo ka ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya yeelatay laga soo bilaabo 1960-kii.
-
Akhriso: Taariikhda Prof Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Muqdisho
-
Mas‘uuliyiin kale duwan oo ka tacsiyadeeyay geeradii ku timid Guddoomiyihii hore BFS Prof. Jawaari +(VIDEO)
-
Madaxweyne Xasan Sheekh :Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran
Codkakoonfurgalbeed.com