Home » Guddoomiyihii Deg. Baladweyne oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Guddoomiyihii Deg. Baladweyne oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

by Mohamed Adam Socdaal

Beladweyne  (CKG)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa Cumar Cismaan Calasow u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdiraxmaan Guure ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Baladweyne, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas Cismaan Dhicisow Dhuubow oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa Cabdullaahi Saalax Shiikh u magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Beledweyne.

Wasiirka ayaa faray dhammaan hay’addaha amniga Gobolka iyo shacabka magaalada inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee la magacaabay, waxaana sidoo kale labada mas’uul laga dalbaday inay toos u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com