Home » GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Weriye Ateera

Muqdisho(CKG)-Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay ,howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sido ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin,waxa ay ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com