Home » Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaadatay Xildhibaan Kamid Ah Baarlamaanka Yurub (SAWIRRO)

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaadatay Xildhibaan Kamid Ah Baarlamaanka Yurub (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafti xildhibaano ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xalada guud ee Soomaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS.

kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xil. Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugida Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgalada amniga iyo ladagaalanka argigixisada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com