Baydhabo(CKG)-Mas’uuliyiin kala duwan iyo Qeybaha kala gedisan ee bulshada Degmada Xudur ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyey.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada Degmada Xudur Cali Xuseen Xasan oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin soo dhoweeysay Gudoomiye Atuu ayaa warbaahinta la hadlay.
Gudoomiyaha Degmada Xudur Cumar Cabdullahi Maxamuud Atuu oo ka hadlay safar uu ku gaaray Magaalada Caasimada u ah Dalka Japan ee Tokyo ayaa dhanka kale ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey.
Wafdi ka socoda Dowlada Federaalka oo ay qeyb ka ahaayeen Maamulada Degmooyinka qaar ee Dalka oo Gudoomiyaha Xudur qeyb ka ahaa ayaa Dalka Dibadiisa gaar ahaan Wadanka Japan uga qeyb galay Tababar caalami ah oo diirada lagu saaray Arimaha Dowladaha Hoose.
[11:46 am, 06/06/2024] Maxmed isxq dh: Wafdi ka socodey Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Wasiir ku xigeenka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Maamulka Koonfur Galbeed Cumar Cabdirahman Maxamed ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Wafdiga Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ku Soo Dhaweeyay Maamulka Degmada Waajid oo uu Horkacayo Guddomiyaha Degmada Waajid Ahna Duqa Degmada Maxamed Macallin Yuusuf, Sarakiisha Ciidanka iyo Guddomiyaha Ururka Hooyooyinka Degmada Waajid.
Wafdigaas ayaa Waajid u gaaray Qodoba dhowr ah oo ay uga horeeyaan Arimaha hortabinta u leh Dowlad wanaaga.
Maamlaha Degmada Xudur ay ku sugan yihiin Degmada Waajid wafdiga uu horkacayo Wasiir ku xigeenka shaqada iyo Arimaha Bulshada Koonfur Galbeed ayaa kulamo gooni-gooni ah la qadaan doono Maamulka iyo Bulshada Degmada Waajid.