Home » Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa Khamiista maanta ah kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, labada mas’uul waxay kaloo kawada hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa wajiga labaad ee dib u xorreynta deegaannada argagaxisada go’doomiyeen si dadka Soomaaliyeed ay u helaan nabad gelyo iyo xasilooni.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com