BAYDHABO(CKG)-Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sharmaarke Maxamed Kuulow ayaa Maanta kulan la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kulankaas oo loogu hadlaayay sida ugu haboon ee Wasaaaradaha ay u soo uruurin lahaayeen baahiyaha tababar ee ay qabaan dhammaan Shaqaalaha ka hawlgala Hay’adaha Dowladda KGS.
Waxaa sidoo kale kulanka goob-joog ka ahaa Madax ka socotay Machadka Tababarada Qaranka oo uu hogaaminaayay Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Mudane Bashiir Ciise.
Ka soo qeyb-galayaasha kulanka ayaa aad uga nuux-nuuxsaday inay jiraan baahiyo farabadan oo ay qabaan Shaqaalaha loona baahan yahay in la dhageysto lagana jawaabo baahiyahooda Aqooneed iyo mid xirfadeed.
Codkakoonfurgalbeed.com