Baraawe (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhagax dhigay dekada Caasimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee magaalada Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal gashtaan deegaannadooda, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu intaasi raaciyay guddoomiyaha, in haddii dadka deegaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal-gashtaan ayna ka shaqeeyaan amniga, waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, islamarkaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay, in in DF Soomaaliya ay garab taagan yihiin sidii gacan looga geysan lahaa mashaariicda ka socda dalka, Baraawena ay noqoto caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
CodkaKoonfurGalbeed.com