Home » Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Madoobe oo gaaray Sacuudi Carabiya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sh. Aadan Madoobe oo gaaray Sacuudi Carabiya

by Weriye Ahmed Yare

Riyad (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miro-dhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com