Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka Bulshada ee Midowga Yurub Mudane Thomas Kieler.
Madaxda ayaa ahmiyada koowaad siiyay arrimaha bini’aadantinimo ee dalka, dhammeystirka dib u eegista dastuurka.
Mudane Thomas Kieler ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JF Soomaaliya ku ammaanay kaalinta bulshada ee ku aaddan arrimaha dib u heshiisiinta qaranka, iyadoo kulanka lagu soo hadal qaaday in dhowaan ay baarlamaanka soo booqan doonaan wafti ka socda Barlamaanka Midowga Yurub.
Sidoo kale, waxay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen shuruucda Golaha ansixiyay ee taageeraya amniga dalka iyo deyn cafinta.
CodkaKoonfurGalbeed.com