Home » Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ruushka U Fadhiya Soomaaliya (SAWIRRO)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ruushka U Fadhiya Soomaaliya (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Safiirka ayaana dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com