Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa Sabtida maanta soo xiray kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.
Hadal jeedinta Guddoomiye Aadan Madoobe, wuxuu dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Ajandaha kulanka ee maanta ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhaarinta Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhawaan laga soo doortay magaalada Baydhabo.
CodkaKoonfurGalbeed.com