Home » Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baraawe +(SAWIRRO)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baraawe +(SAWIRRO)

by CKG Editor

Baraawe (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Talaadada maanta ah gaaray nagaalada Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo wafdigiisa waxaa Baraawe ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Aadan Madoobe iyo Laftagareen ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.

Wariyaha warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ee Shabeellaha Hoose ayaa ku soo warramaya in magaalada Baraawe ay ka socoto qaban-qaabada doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, xilli uu guddoomiyihii hore Cali Saciid Fiqi uu ka mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Baraawe ee Caasimadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa ATMIS.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com