Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett.
Kulanka oo diiradda lagu saaray xiriirka qotada-dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood, wada shaqeynta Baarlamaanka iyo dowladda Ingiriiska.
Ku-simaha Safiirka ayaa uga mahadnaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS guushii uu ka soo hooyay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ku soo dhammaaday xasilooni siyaasadeed iyo isfahan bulsho.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay shuruucda muhiimka u ah ee Golaha Shacabka ay ansixiyeen iyo kuwa hadda horyaala si loo dhameystiro adeegyada dowladda.
CodkaKoonfurGalbeed.comÂ