Home » Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Jeyte oo xayiraad adag ku soo rogay deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Jeyte oo xayiraad adag ku soo rogay deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab

by CKG Editor

Beledweyne (CKG) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeeya deegaannada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Beledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaannada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle.

Sidoo kale, Jeyte ayaa xusay, in gaarigii lagu arko ama lagu qabto isagoo deegaannadaas u raran si buuxda ay ula wareegi doonaan.

‘‘Gaari iyo wixii saaran waan la wareegi doonaa, waxayna ka mid noqon doonaan hantida dowladda‘‘, ayuu yiri guddoomiye gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com