Home » Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Iyo Safiirka Mareykanka Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Iyo Safiirka Mareykanka Oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Ka Dhanka Ah Al Shabaab

by Mohamed Adam Socdaal

Beladweyne (CKG)- Dowladda Mareykankaa ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa ay kala hadashay howgalka ka dhanka ah dagaalamaayasha  AL-Shaabab.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa kulan muuqaal ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo hoggaamiyaal kale oo qayb ka ah howgalka ka dhanka ah AL-Shabaab.

Masuuliyiinta kulanka la yeeshay Safiirka Mareykanka ayaa waxaa ay u gudbiyaan sidii taageero uu uga gaysan lahaa Mareykanku  howlgallada ka socda Hirshabeelle.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidan ku bixisay howlgalka Al-shabaab  looga saaray gobolka Hiiraan, kuwaasi oo si weyn isaga kaashanaya Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ee Macawisleyda loo yaqaanno.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaana doorweyn ku leh howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana dowladda mareykanka ay ka mdi tahay dowladdaha sida xooggan ugu lugta leh dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com