Muqdisho (CKG)- Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeeray qeyba kamid goobaha danta guud oo ay Dowladda Hoose Xamar u qorsheysay in si kumeel gaar ah loo dajiyo Ciidanka Police-military ee sida gaarka ah ugu howlgali doono Xasilinta Amniga Caasimadda.
booqashada Guddoomiyaha waxay qeyb ka tahay dardargelinta Amniga iyo in caasimada dalka ay hesho ciidamo xasiliya kuwaasi oo ay adkaaneyso hadii aan loo helin goob ay degaan.
Codkakoonfurgalbeed.com