Home » Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (SAWIRRO)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Xoghaya Guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com