Home » Goob fagaaro ah oo ku yaasha degmada Buur-hakaba oo lagu gubay waxyaabaha Maanka Dooriya(SAWIRRO)

Goob fagaaro ah oo ku yaasha degmada Buur-hakaba oo lagu gubay waxyaabaha Maanka Dooriya(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Buur-hakaba(CKG)-Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka Boliiska gaarka ah ee Degmada Buur-Hakaba oo kaashanaya maamulka degmada ayaa gacanta lagu soo dhigay waxyaabaha Maanka dooriya kuwaasi oo intooda badan laga soo saaray goobo ganacsi.

Howlgalka ayaa laga sameeyey suuqyada iyo xaafadaha Degmada Buur-Hakaba waxaana howlgalka hogaaminaayay taliyaha cusub ee degmada Buur-hakaba iyadoona horey loo faray bulshada iyo ganacsatada ku nool degmada in ay ka shaqayaan amniga guud ee degmada Buur-hakaba.

Waxyaabahan maanka dooriya ee ciidanka gacanta kusoo dhigeen ayaa isugu jirey xashiish, taraamidol iyo bilili kuwaasi oo lagu dhax isticmalaayay gudaha degmada ayadoona qaarkood loo iib geynaayay degaanada kale eek a tirsan degmada Buur-hakaba.

Kadib markii gacanta lagu soo dhigay waxyaabahaan maanka dooriya ayaa waxaa lagu gubay goob fagaaro ah iyadoona halkaasi buuq kale loogu diray guud ahaan bulshada ku nool degmada Buur-hakaba oo ku aadan in laga fogaado ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Maamulka iyo taliska ciidanka degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in ciddii lagu arko ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya talaabo sharci ah laga qaadi doono.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com